Sawiro:Caabudwaaq Maamulka iyo Ardada iskuulka Shire Jaamac ayaa ka qayb qaatay Dhismaha Jaamacada Ummada ee Isxilqaanka lagu dhisaayo

Isku tashiga Bulsho ee lagu wado Dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraceeda Galmudug ee Degmada Caabudwaaq, ayaa maanta waxaa qayb qaatay oo Maal iyo Muruq si wada jir ah ugu bixiyey Maamulka, Macalimiinta iyo Ardada iskuulka Shire Jaamac, Waxayna ku Tabaruceen deeq lacageed oo dhan $3,000 (Sadex kun oo doolar).

Waana markii ugu Horaysay oo ay soo galayaan Ardada iyo iskuulada Degmada Caabudwaaq ololaha IS-Xilqaan ee lagu dhisayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed-Galmudug.

Maamulka Jaamacada Ummada Faraceeda Galmudug ayaa waxay uga Mahadceliyeen Maamulka iyo ardayda Dugsiga Shir Jaamac sida wanagsan ee ay Maalkooda iyo xoogooda u bixiyeen Dhismaha Jaamacada.

Fadlan Kaga qayb qaado wixii aad awoodo:
Salaam Bank: AC.NUMBER: 31233055
Ama Numberka EVC PLUS : 619-161100

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.