Sawiro:Generaal Odawaa oo booqday Degmada Awdheegle oo dhawaan laga saaray Shabab

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga
Ibraahim Aadan Cali Najax oo La Hadley Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay iney safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle oo dhowaan laga xoreeyay Malleeshiyada Argagixisada Ee Alshabaab.

Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdhegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genral Odowaa Yuusuf raage , Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka dib loogu xoreynayay degmada Awdheegle iyo deegaanada kale.

ugu dambeyn guddoomiye Ibraahim Aadan Cali aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsadey inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba ay gobolka ka joogaan si looga adkaado kooxda khawaariijta ah ee Alshabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.