Marar badan waxaan maqleyney wada hadalada mideynta Soomaaliya,waxaa dhacay fadhiyo badan oo arintaas looga golahaa ee ka dhacay jabuuti,Turki iwm,dhammaan arimahaas iyo fadhiyadaas oo dhan waxay ku soo dhammaaden natiija la,aan,waxaana ku khasaaray waqti iyo dhaqaale,waxaa la yaab leh in wadadii lagu sii socdo oo aan waxba laga kororsan tilabooyinkaas oo dhan,waayo waxay iigu muuqataa in lagu wajahaayo akhli foorara oo Soomaalida sii kala fogeynaaya,waxaa kale ee ii muuqata in ay Meesha ka marneyn gacmihii iyo cadawgii burburiyey Soomaliyadii mideysneyd iyo gacmihii shisheeye,haddaba waxaa mudan in aan is weydiino su,aalahaan;-
1-Maxaa keenay in la aqoonsado Soomaaliya iyo Soomaalilaand miyeynaan Soomaaliya waada ahayn?
2-Sow heshiis bulsho laguma dhisin Jamhuuriyadii Soomaaliya 1960kii kowdii Julay?
3-Sow dalka kama jirin gobolo tastuuriya oo la yaqaaney?
4-Soomaalida goboladeeda sow qabaa,ilo uma kala degana?
5-qabiiladii la dagaalamay dawladii dhexe ee Soomaaliya ma magac goonigoosi baa ku jirey?
6-Qabaa,iilka gobolada waqooyi ma la wada dagaalameen dawaladii dhexe ee Soomaaliya mase waa kala qaybsanaayeen sida Koofurtuba ahayd?
7-Gobolada Waqooyi shacbiga ama qabaa,ilka dega ma ku mideysan yihiin goonigoosadka?
8-Magaca Soomaalilaand maysku raacsan yihiin?
9-Markii dawladii dhexe burburtay shacbigii la xasuuqay sida,Boorame,hargeysa,burco,xeryihii barakacayaasha , Kalshaale iyo tan hadda ka socota gobolada SSC xaggee la saarayaa?
Isku soo wada duub cid kasta oo qadiyada midnimada Soomaaliya ka hadleysa yey indhaha iska ridin ee su,aalaha sare ku qoran hays hordhigto.
TALOBIXN.
1-Waxaan soo jeedinayaa in arinta midnimada Soomaalida aan laga raadin shaqsiyaad denbiilayaal ah oo mudan in maxkamad la keeno.
2-Sida loo wajahaayo mideynta Soomaliya ha laga bilaabo golayaasha dawlada dalka matasha,sida golaha wasiirda iyo golayaasha shrcidejinta.
3-Gobol ama qabiil Soomaaliyeed oo sodon sano oo burbur ah shacbigu weli ku sito gacmaha calanka buluuga ah yaan lagu qasbin magaca aan jirin ee Soomaalilaand.
4-midnimada Soomaaliya ha laga raadiyo Beelaha oo waxa masala yihiin odaydhaqameedyada ayyada oo la raacaayo dhaqankeena suuban oo dhibaatooyinka aan weligeed ku daaweysan jirney.
5-Ugu denbayn ha la dhigo gogol meel dhex dhexaad ah oo lagu kulmiyo odayaasha dhaqanka Soomaalida oo ay iigu muuqato Jamhuuriyada Jabuuti,halkaas ha ka soo baxdo cida goonigoosadka rabta ee dhabta ah markaas baa laga wada hadli karaa ha loo ogolaado iyo ha la diido.
Aan ku soo gabagabeeyo madaxda Soomaalida ha ka xishooto oo afkooda ha ka daayeeyn ereyada Soomaaliya iyo Soomaalilaand waa denbi weyn oo qaranka midnimadiisa laga galaayo,qolada beesha caalamka la yiraahdo waan in si cad oo cilmiyeysan sida sare ku xusan loo hordhigaa arintaan nagumana sanduleyn karto Soomaaliya iyo Soomalilaand.
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.
Leave a Reply