Sawiro:Ugaaska Beesha Mareexaan oo laga Raali galiyey Aflagaado ay u gaysteen Maamulka Jubbaland

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Ugaas Maxamed ugaas xaashi ugaas xirsi iyo Madaxwayne Kuxigeenka Koowaad ee Dawlad Goboleedka Jubaland Maxamuud sayid Adan oo ay waheliyaan Wasiirada Amniga , Caafimaadka, shaqada iyo shaqaalaha , Wasiirk Kuxigeenka wasarada Arimaha Gudaha, Gen dhuumaal ,Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Senetor Fartaag.

Masuuliyiintaan ka tirsan Jubbaland Booqashada ay ku tageen Hoyga Ugaas Maxamed ugaas xaashi ugaas xirsi ayaa ka danbaysay kadib markii Guddiga Doorashada Jubbaland ay ku tilmaameen Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo Ugaasyada kale ee Jubbaland Nabadoono taas oo ka caraysiisay Bulshada Jubbaland iyo Ugaas Maxamed Ugaas xaashi.

Masuuliyiintaan uu horkacayo Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland ayaa waxay Raali galin kasiiyeen Ugaas Maxamed Ugaas xaashi sida foosha xun ee Guddiga Doorashada Jubbaland ula dhaqeen taas oo kaliftay inuu Ugaaska ka hadlo saxaafada waxuu dhaliil Ujeediyey maamulka Jubbaland.

Ugu dambayntii Ugaas maxamed Ugaas xaashi Ugaas Xirsi ayaa uga mahadceliyey Masuuliyiintaan ka tirsan Jubbaland Booqashada ay ugu yimaadeen Hoygiisa Magaalada Kismaayo ka Dagan yahay, waxuuna u sheegay in loo baahan yahay Doorasho wanaagsan inay ka dhacdo Jubbaland taas oo la ixtiraamayo waxgaradka iyo Bulshada Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.