Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeer Ugu Tegay Guutada 15-ad Ee qaybta 21-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ugu tegay ciimada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo lagu baacsanayo argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay kormeer dhiirri gelin iyo dardaaran ah ayaa ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), isaga oo ku adkeeyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay u xil saaranyihiin.

Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas’uuliyadda weyn.

Isku dhafka ciidamada xoogga ayaa xoojinaya guulihii laga gaaray isku dhafidda ciidamada Booliiska iyo nabad-sugidda, arrintaas oo muujineysa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku guuleystay qorshihiisii ahaa qarameynta ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada deegaanka, si ay wadajir ugu xureeyaan deegaannada Galmusug ay argagaxisadu uga sugantahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.