Sawiro:Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo lakulmay wafti kasocda Ururka iskaashiga islaamka

Ra’iisul wasaare ku-xigeena xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka (OIC) ee Arrimaha Bini’aadminimada, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, Danjire Daariq Cali Bakhiit.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka ee Arrimaha Bini’aadminimada, Dhaqanka iyo Arrimaha bulshada, ayaa looga hadlay xaaladda dalka iyo taageerada joogtada ah ee OIC ay siiso dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa Danjire Daariq Cali Bakhiit ka guddoomay warqad uu madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uga siday xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Axmad Al Cuthaymiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.