Ceelwaaq:Alshabaab oo Weerar Madaafic ah ku qaaday Ciidamada kenya

Wararka ka imaanaya Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Kenya ee Halkaas ku sugan ay qasaaro soo gaartay kadib markii kooxda Argagixisada Shabaab ay kusoo rideen Hoobiyaal xerada Cidamada Kenya ay ku lee yihiin Degmada Ceelwaaq.

Wararka waxay intaas ku darayaan inay Ciidamada kenya soo gaareen qasaaro isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac, waxaa kaloo jira Burbur soo gaaray gadiidka Dagaalka Ciidamada kenya.

Weerarkaan ayaa waxuu dhacay Shalay mana ah markii ugu horaysay ee Ciidamada Kenya ay la kulmaan qasaaro kanoo kale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.