Shir Sadex Geesood ah oo looga hadlaayey Doorashada Jubbaland iyo Dayn Cafinta ayaa Muqdisho ka dhacay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Kulankaan waxaa kaloo looga hadlay Doorashada Jubbaland taas oo laysku raacay in latixgaliyo dalabka Bulshada Jubbaland iyo sidii doorasho wanaagsan uga dhici lahayd Magaalada Kismaayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.