Sawiro:Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Wafdigaan oo uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ee Maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa kullan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Kulanka ayaa Waxaa Goobjoog Ahaa Wasiirada Wasaaradaaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Dastuurka, Haweenka, Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada, Waxaana kulanka inta uu socday inta badan looga hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha soomaliya James Swan ayaa Dhankiisa Balan qaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan Dowlada uu Hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulanka oo saacado qaatay loogana hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed markii soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha iyo Safiirka, Waxaana hadalka qaatay kuna dheeraday muhiimada safarkiisa Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa u mahadceliyey Wafdigan manta soo garay magaalada baydhabo oo uu hogaaminaayay Wakiilka xoghaya guud ee QM, isagoona sheegay Madaxweynaha Waxyabihii ay ka wada hadleen wefdiga uu Safiirka horukacaayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.