Daawo:Caabudwaaq oo laga Bilaabay Diiwaangalinta Ciidamada Soomaliya

Waxaa maanta laga bilaabay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud diiwaan galinta ciidamada horay oga tirsanaa Maamulkii Ahlusunna si ay ugu biiraan ciidamada Xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta.

Maamulka Degmada, Xlidhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ( Mohamed Abdo)
ayaa ka qaybgalay Madasha Furitaanka Habraaca Diiwaangalinta Ciidamada kala duwan ee Dalka.

Qaramaynta Ciidamada oo hadda ka socota Xarunta Maamulka degmada ayaa waxaa ku sugan dhalinyaro kala duwan oo rag iyo dumar leh si Naftooda iyo Qorigooda ay ugu huraan difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.