Madaxwayne kuxigeenka Jubaland oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Macdan Jubbaland

Xaflad lagu daahfurayay dhismaha cusub ee ay yeelan doonto wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubaland ayaa lagu qabtey magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xugeynka 1-aad ee Jubbaland Maxamud Sayid Aadan, bahda Wasaaradda,Wasiiro,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Xaruntaan oo si casri ah loo dhisay ayaa waxaa saaka xariga ka jaray ku simaha madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka 1-Aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Dhisusmaha wasaaradaan ayaa wax ka badalaysa baahiyada Wasaaradaha Macdanta iyo biyaha Jubbaland u qabtay xarun ay shaqaalaha wasaarada ku shaqeeyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.