Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan Qado Ah La Qaatay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Guriceel kulan qado ah kula qaatay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur

Ugaaska iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka dhaqanka ee gogosha dib-u-heshiisiinta Galmdug iyo dib-u-dhiska iyo dhamaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugaaska u sheegay in socdaalkiisa Galmudug guud ahaan uu salka ku hayo sidii reer Galmudug uu ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, xariir wanaagsan la leh dowladda federaalka, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka dheeraadka ah ee uu geliyay dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hey’adaha Galmudug ayaa qadada kadib guddoonsiiyay faras uu u hadiyeeyay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu safarka Galmudug ku jiray la kulmay madaxda dowlad gobaleedka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo ballaariyo talada lagu dhisayo Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.