Sawiro:Ciidamadii Ahlusuna oo Dowlada Lagu wareejiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin.

Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.