Sadex Dhacdo oo Cajiib ayaa ka dhacday Soomaalida Dhexdeeda Todobaadkii Xoriyada

deni

Waxaa wax lala yaabo ah in ay u muuqato bulshada Soomaaliyeed mid aan la hayn dareen,islaxisaabtan,damiir danqada iyo lixijeclo wadaniyadeed oo ay ku ilaashadaan dalka ,diinta iyo karaamadooda,oday waayo soo joogay baan ahay oo waxaan is dhahaa dadkii firfircoonida dhan kasta ah aad ku tiqiiney maxaa dhalanrogay,waxba yaanan ararta ku dheeraan ee saddexda wax oo aan la yaabay oo aan ku eedeynaayo saddex masuul aan qeexo;-

1-Mida ugu horeysa waa hadal ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe maalimtii 26ka  juunyo oo uu yiri (WIILKII CALANKA SOOMAALIDA KU LEBESTAY HARGEYSA DHEXDEEDA WUXUU LA MID AHAA NAASIGII OO CALANKIISA KU DHEX QAATAY ISRAA,IIL IN LA SIIDAAYO MA AHAYN EE IN LA TOOGTO BAY AHAYD),Lama yaabani oo horay buu Cabdimaalig Coldoon ugu eedeeyey calanka iyo Soomaalinimada oo meediyaha ka yiri (HADDAAN ANNIGU SOOMAALILAAND MADAXWEYNE KA AHAan lahaa MA XIREEN EE WAAN TOOGAN LAHAA),Balse waxaa la yaab leh bulshada Gobolada Waqooyi oo arintaas ka falcelinwaayey,bal haddana aan idin ka fajiciyee waxaan shaashadaha ka arkaa asaga oo wata tusbax iyo cimaamad wajigiina madoobaaday malaha sajuub darted,haddana Meesha uu saas ku samaynaayo culumaa joogta oo dhibka intaas le,eg aan bulshada uga digayn kana falcelineyn in bulshada muslimka ah qaar lagu tilmaamo Yuhuud qaarna Naasiyiin.

2-Maalin ka hor 1dii Luulyo waxaa lagu xusay Magaalada Garoowe maalinta Yoogada ama Yoga Day oo ah xus ama xaflad loo sameeyo Ilaaha Qoraxda oo ay leeyihiin ama ay dhigaan Hidida qoraxda caabuda oo ay illaha u tahay(SUBXAAN ALLAAHU),WAXAANA KA QAYBGALAY SIDA BARAHA BULSHADA LAGU FAAFIYEY MADAXWEYNAHA PUNTILAAND DENI IYO MAS,UULIIN UU HORKACAAYEY),Waxaan isweydiiyey Reer Puntilaand arintaas dhammaan ma ka raali noqdeen culiumo iyo caamama marka laga reebo gudoomiyaha Garoowe oo canbaareeyey Ebbe ha ka raali noqdee adduun  iyo aakhiraba?

3-Gabay abwaan oo lixdameeyadii dhibaatooyinkii jirey tilmaamaayey baa halhays kiisu ahaa ( TUKALOO KA DARAN BAA JIRTA EE TAANA BAL AN SHEEGO),26KII Juunyo ilaa 1dii Luulyo waxaan daawanaayey SNTV ama tiifiiyada kale,dhammaan maamul goboleedyada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa laga xusay maalmihii xoriyada Soomaalida,marna shaashadaha kuma araga Jubalaand ee ma I dhaaftay mise lagama xusin maalmahaas?,haddii arintu sidaas u dhacday maamulka Jubalaand sow dalka kama tirsana mise waa ka go,ay?Ayyadana sheikh iyo shriif,culumo Iyo caamo,dhalinyaro iyo waayeel reer jubalaandiyoow noo micneeya midaas,waa su,aal idin ku taagane?

Ugu denbayn walaalayaal saddexdaas arimood midna wax sahal lagu dhaafo maaha,waa diin la,aan iyo dal la,aan,qoon markii uu lumaayo marka hore dhaqankooda bay ka tagaan ,diintana waa laga leexdaa oo waa la dayacaa,dalkuna wax u naxaaya oo ilaashada buu waayaa,dabadeedna waa qaranguur,aan ku soo gabagabeeyo haddii shacbiga Soomaaliyeed waxaas iyo waxa la midka ah ka xanuunsan waayaan oo ka abaalmarin waayaan kuwa ku kacaaya ee waliba aan arkaayo kuwo u sacbinaaya,ogaada waxaad ku socotaan wada madoow oo la dhihi doono waabaa waxaa jiray qolo la oranjirey Soomaali.Culumadu yey indhaha ka daawan ayyaga oo weliba ku nool goobaha waxaas ka dhacayaan ama maqlaaya,dhalinyarduna habaca ama fuleynimada ha deysa diinta iyo dalka dad  baa horey u dhintay haddana dhiig bay u baahann yihiin.

Wabilaahin towfiiq.

Oday Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.