Sawiro:Masuuliyiintii Jubbaland oo wata Masawirka Axmed Madoobe ayaa Kenya Codsi waydiistay

lugadheere

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere oo waheliyaan Wasiiro iyo saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo wata Masawirka Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo codsi udirsaday.

Madaxwayne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Lugadheere ayaa waxuu Taliyaha Ciidamada Kenya waydiistay xiliga doorashada lagu Jiro inay Ciidamada Kenya kawarqabaan il gaarana ku hayaan sidii mar kale lagu soo dooran lahaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulankaan dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa waxay ku tusaysaa maamulka Jubbaland inuu culays wayn soo fuulay.

1 Comment

  1. Ilaahayoow Xayada ha naga qaadin, kuwaan maxaay yihiin?
    Miyeysan ogeyn in waqtigoodii uu dhammaaday, ma caruur Agoon ah bay u yihiin Axmed MADOOBE?
    Jiritaankooda iyo noloshooda oo dhan waxaay ku xireen Axmed Madoobe iyo Kenya.
    War waddanka waa Soomaaliya, dowlad buu leeyahay, adinku ma Kenyati baad tihiin, soomaali ma tihidin miyaa?
    Reer Xamar waxaay dhahaan Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaaya waa ku tusaa!
    Noocaan Rajo beelka ah, xaggee laga keenay?

    Gabey waxaa jirey oranaya >>> doqon calaf maleh maxaa Dulbaax ka baylahay, dalka adinkaa leh maad dowlad u noqotaa, waxaan u maleynayaa inuu lahaa gabayga Sayidkii Allaha u naxariistee. Wuxuuna la yaabbanaa kuwo dabadhilifiin ah oo dowlado kale u adeegaya.
    Hadda waxaa nagu batay noocii xumaa ee Iimaanka la’aan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.