Daawo:Tilaabada Degmada Xeraale qaaday waa Mid ku dayasho Mudan

Waxay ahayd 29/06/2019 markii uu booqosho ku tegey resulwasaare mudane Xassan cali khayre Degmada Xaraale,waxaana si diiran u soo dhaweeyey shacbiga,odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku nool halkaas,Soo dhaweynta Degmada Xeraale dhinac waxay kala mid ahayd kuwii ka dhacayn degmoouinka dawlad Goboleedka Galmudug dhana wey ka duwaneyd oo wxay dheereyd wax qof kasta oo Soomaaliya ku farxay oo ahayd in hubkii yiilay degmadaas oo  ay ka mid ahaayeen gaadiid dagaal ay ku wareejiyeen resulwasaaraha iyo waftigiisa oo uu ka mid ahaa wasiirka amniga qaranka isla mar kaasna codsaday in amniga Degmada Xeraale dawladu la wareegto,sidaas awgeed waxaan ku talinayaa arimahaan soo socda.

1-Odayaasha dhaqanka ama duubabka rasmiga ah oo soo jireenka ah in dawladu siiso dowrkoodii iyo xuquuqdoodii lagulana xisaabtamo kaalintoodii hogaamineed ee bulshada dhexdeeda oo amnigu ugu horeeyey.

2-In odayaasha Degmada Xeraale lagu abaalmariyo tilaabada ay qaadeen.

3-In shanta 500 oo ciidanka ah ee ay wareejiyeen lala wareego loona furo tabar dhaqancelin ah si ay u noqdaan ciidan u qalma ciidanimo.

                                                                                                                                            4-in amaaniga  degmada xeraale lagu wareejiyo Hal urur oo ciidan isku dhaf ah oo ka mida kuwa tababarada casriga ah soo qaatay,gaadiidka degmadu wareejisay iyo mid loogu darayna lagu qalabeeyo.

5-Wasaarada aminiga iyo maamulada Goboladu ha magaceebeen gudi isku dhaf ah oo degma kasta ka codsada in tilaabada xeraale bilowday ay ku dayato soona wereejiso hubka ay haysato iyo dhalinyarada haysa amaanka degmooyinkaasna dawladu la wareegto.

6-Waa in dadka lagu wacyigeliyo inta ay hubka haystaan in wiilashooda qaaliga ah oo waalidka dhalay mudo dheer soo korinayeen ayyan manaafacaadsaneyn oo micna la,aan ku dhiman doonaan adduun iyo aakhira la,aaan.

Ugu dnbayn waxaan leeyahay odayaasha iyo shacbiga Degmada Xeraale hambalyo,islamarkaas  shacbiga Soomaliyeed waxaan ku boorinayaa in ay ku daydaan,sidoo kale masuuliyiinta dawlada tilaabadaan shacbiga dhexdiisa ha ka dhaqangeliso si aan Khasab ahayn ee wacyigelin  ah danta dadka ayaa ku jirta haddii ay fahmaan.

Wabilaahi Towfiiq,

Oday Jimcaale /London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.