Boliiska Somaaliya oo soo qabtay eedeeysane loo haysto dil

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka dembi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay Gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto ; Zakiya Xuseen Axmed.

Dhinaca kale, Duqa, Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow),oo ka hadlayay Xalay shirka amniga ee Caasimadda ayaa sheegay in ay kulankooda ugu hadleen dardar gelinta kormeerka, howlgallada iyo Isla-xisaabtan ka.

Wuxuuna sidoo kale caddeeyay Guddoomiyuhu in eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed , ay soo qabteen Ciidamada, iyadoo loo heysto Gabar dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo ku yaalla Baar Ubax.

Guddoomiye C/raxmaan Yariisoow , ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka Gacan siiyeen Shacabka, soona gudbiyeen xogta ku saabsan Gurigii uu ku dhuumanayey.

Eedeysane, Bishaar Cabdi risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hoteel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howlwadaag ee Gobolkan Banaadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.