Daawo:Kooxdii Axmed madoobe iyo kuwa Taageerayaal u ah Kismaayo soo gaaray

Magaalada Kismaayo waxaa Soo gaaray Kooxdii Axmed madoobe oo bilo ugu maqnaa Magalada Nairobi sidii ay ka yeeli lahaayeen Culayska kaga yimid Shacabka Jubbaland gaar ahaan dadka isbadal Doonka ah.

Kooxdaan kismaayo Kusoo noqotay waxaa kamida kamid Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud, Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan, Guddoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf iyo Cabdi Baalley Xuseen, Xildhibaan Xuseen Xirsi oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo Ambaasador Cabdikariim Aw Cali Cumar safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyi jiray dalka Maraykanka.

Kooxdaan iska soo raacday Magaalada Nairobi ayaa waxay isku dayayaan sidii Hogaamiyaha Fashilmay ee Jubbaland Axmed Madoobe xukunka dib ugu soo laaban lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.