Kooxda Macawislay oo Shabab Ku laysay Gobolka Hiiraan

macawislay

Wararka aa ka helayno deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Shabaab & Kooxda lagu magacaabo Macawiisleyda.

Iska hor imaadka, ayaa yimid kadib markii duleedka deegaanka Halgan uu dagaalkaan ku dhexmaray Shabaab & Kooxda Macawiisleyda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan Kooxda Macawiisleyda ayaa sheegay dagaalka ka dhacay duleedka Halgan inay ku dileen Sarkaal Ajnabi ahaay oo deegaanka caan ka ahaay sida ay sheegeen.

Sarkaalka ay dileen, ayaa waxa ay sheegeen in lagu magacaabo Maxamed oo u dhashay dalka Kenya, balse uu iska bedelay magacii Kenyan-ka ahaay ee lagu yaqaanay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.