Gudoomiye Yariisow oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo lagu qabtay xarunta Guud ee qeybta Booliska.

Shirka Amniga Caasimada ayaa diirada lagu saaray dardargelinta sugidda Amniga, isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimada.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Amniga XFS Cabdinasir Siciid Muuse,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.