Wasiir Mareeye oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

mareeye

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayari Maareeye ayaa caawa si rasmi ah  u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha telefishinka Qaranka iyo Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2011-ka ilaa iyo hada sanad kasta la qabanayay, isagoo mahadcelin u jeediyay maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay taaba gelinta tartanka.

“Runtii howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro, waxaan kaloo halkan uga mahadcelinayaa Macalimiin Soomaaliyeed oo soo diyaariyay su’aalaha” ayuu yiri Agaasime Liibaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax ayaa sheegay in barnaamijkan ay ka wada qeyb qaateen degmooyin kala duwan, isagoo xusay in maamulka Gobolka Banaadir uu u taaganyahay dhiiri gelinta tartan aqooneedka iyo isdhexgalka bulshada.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa intii ka qeyb gashay tartanka aqoonta ay so bandhigeen, kan maamul gobol ahaan waxaan balan qaadeynaa inaan garab taaganahay dhiiri gelinta aqoonta iyo isdhexgalka bulshada” ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo xiray tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray tartamayasha Degmada Xamar Jajab oo ku guuleystay tartanka iyo Kismaayo oo galay kaalinta labaad.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Xamar Jajab oo tartanka ku guuleysatay, Kismaayo oo kaalinta 2aad gashay iyo Dhahar oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Benaadir, Jubbada Hoose iyo Sanaag” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa maamulka Gobolka Banaadir oo taabageliyay tartanka”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay qorsheyneyso sidii hanaan cusub loogu soo dari lahaa tartanka oo ah in la qabto xiliyo ka hor inta aan la gaarin bisha Ramadaan, si fursad ay ugu helaan in ka badan 30-ka degmo ee haatan tartanka ka qeyb galay.

“Waxaan ka fekeri doonaa inaan bilowna waqti ka hor Ramadaanka, waxaan mar  saddexaad u mahadcelinayaa aqoonyahaniinta ka soo fekeray barnaamijkan, waxaan ku faraxsanahay inaan kan Wasaarad ahaan sameyno madal ay dhallinyaradu ku soo gudbin karaan aqoontooda” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.