Top News:Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland oo Axmed madoobe iyo luga dheere ku eedeyey dhulkii ladhacay ee wasaarada dhalinyarada

darwiish

Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa waxuu iska fogeeyey inuu ku lug lee yahay dhulkii loo dhisay Wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland kaas oo loo badalay goob ganacsi oo Shaqsi lee yahay.

Dhulkaan oo loogu talagay danta guud loona balan qaaday dhalinyarada Jubbaland inay heli doonaan goob wanagsan oo dhalinyarada iyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland adeegsadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Darwiish ayaa waxuu sheegay inuu cabashada kasoo yeeraysa bulshada jubbaland gaar ahaan dhalinyarada Jubbaland uu la wadaagay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxwayne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Lugadheere, sidaas awgeedna aan barri ka ahay Musuq maasuqa lagula kacay Dhismihii danta Guud ee loogu talagalay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland.

darwiish

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.