Hogaamiye Deni oo shirkad China ah heshiis kula galay inay ka kaluumaystaan Puntland

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka China ayaa magaalada Beijing heshiis kula galay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkada CCECC.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Ayl ee gobolka Nugaal iyo inay Shirkada CCECC ka kaluumasato Deegaanada Puntland.

Shirkada CCECC ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.