Madaxwayne Farmaajo oo kuwajahan dalka Sàcuudiga iyo wafti heer wasiiro ah oo gaaray dalka Sacuudiga

Wasiir

Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa gaaray Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo uga qeyb gali doono Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka .

Wafdigan heer wasiiradaha ah ayaa waxa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Amniga Abuukar Islow Ducaale,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis kusoo dhawayey Ergayga Ergada Joogtada JFS ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Danjire Cabdirasaaq Siyaad Cabdi (Sancaani) iyo xubno kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.