Dad Dilaa ah Dal iyo Dad Ma hogaaminkaraan W/Q jimcaale

xaaf

Dilaa sharciga Islaamka,kan qaranka Sooamaaliyeed iyo
midka caalamigaa bulsho ma loogu dhiibi karaa maamul
iyo cadaalad?

Qofka aadamigaa waxaa ku dhaca isbedelo nafsaaniya oo uusan la dhalan, kuwaas oo ay keenaan waxyaalo nafsiyan la dersa nolashiisa,sida wax uu cunta ahaan u isticmaalo ama balwad ahaan u misticmaalo iyo noocyada shaqada uu ka shaqeeyo,waxaa kale oo samayn ku yeesha bulshada uu ku dhex koro ama wax badan la dhaqmo,isbedelada ka dhasha arimahaas oo dhan qofka samayn bay ku yeeshaan waxaana ka dhasha wax la yiraahdo QABATIN(Addiction).

Bal aan isweydiino qofka caadeysta beenta, dhaca , dilka iyo daadinta dhiiga dadka kuna soo jiray sanada badan waxa uu noqon karo marka loo dhiibo hoggaanka bulsho meel ku dhaqan oo amarkiisa iyo qalinkiisa midna abiil laga qaadan Karin maxaa ummadaas ku dhici kara?

Waxaa hubaal ah qofku wuxuu ku mamo ama barto oo uu yaqaano buu sameeyaa ,bal eega labada maahmaahood(GACANTII QAAD QAAD BARATA HADDII LA GOOYO GUMUDKEEDA BAA DHAQDHAQAAQA)(WAXAAD U BARATAA WAA BAASKAA).Labada murtidooda ku duugani waa isku mid dulucdu waxay tahay hawshii uu qaban jirey oo qabatimay qofna ma daayo.

Haddaba arintaan maxaa igu xabaaray in aan ka hadlo waxaan ahay shaqsi Soomaliya oo dadkiisa iyo dalkiisa labadaba  u danqanaaya,waxaa ii muuqday shaqsiyaad aan bulshada in laga ilaaliyo mooyaana in xil loogu dhiibo mudnayn, kuwaas oo aan wada ognahay in ay aaminsan yihiin in laga macaasho daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed kana macaashay oo mudo ku soo jiray, ,

waa arxan laawayaal ka soo qayb qaatay dagaaladii sokeeye sida DAGAAL OOGAYAAL IYO KOOX DIIMEEDYADA, waxay ku jiraan golayaasha qaranka ee sharcidejinta , maamul goboleedyada qaarkood baa loo dhiibey oo haddana loogu yeerey madaxweynayaal aan cidi ka daba hadli Karin,kuwana waa xiran yihiin waxaa laga la,yahay war inaad ka toobad keenteen bulshada denbigii aad ka gasheen ku dhawaaqa oo cafisweydiista bulshada,haddana waa yaabe dad baa u doodaaya oo leh ha la siidaayo(HASHU MAANKAYGA GADAYE MA MASAAR BAY LIQDAY)Siyaasiyiinta arintaas wada iyo odaydhaqameedyada xaggee wax ku wadaan?Ayyaga naftoodu sow kuwo xishooda oo dalka iyo dadka u danqanaaya maaha?

Aan soo gabagabeeyee noocyyada dadka aan sare ku xusay ee golayaasha sharcidajinta noogu jira oo sida ay ku yimaadeen aan wada ognahay iyo kuwa maamul goboleeyada qaarkood loo dhiibay oo dhamaantood ka siman in aan dawladu shaqayn sharci xalaalana lagu dhaqmin,qaarkoodna falalka argagixisada iyo qaraxyada qayb ka ah hadaladooda iyo ficiladoodana in lays dilo iyo wixii hore baan soo celinaynaa ku goodinaaya waxaan uga digayaa dadka Sooamaaliyeed si gaarana dadka ay qaybiilka ku beer dulucsanayaan.

Wabilaahi towfiiq,

Jimcaale,London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.