Madaxweyne Farmaajo oo Safarkiisi uu ku joogay dalka Koonfur Afrika Guul kusoo dhamaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa oo goor-dhow ka soo ambabaxay Dalka Koonfur Afrika ayaa saacadaha soo socda ee maanta dib ugu soo laabanaya Dalka.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika wuxuu ka qeyb galay caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa, isagoona kulamo la qaatay xalay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.