Ciidamada Dowlada iyo Shabab oo ku dagaalamay Bakool

Warrarka laga helayo gobolka Bakool ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari lagu dilay weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Waajid xalay saqdii dhexe.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo isticmaalaya gantaalada garabka laga rido iyo qoryaha darandooriga u dhaca ay weerrar ku qaadeen saldhig milatariga uu Soomaaliya ku leeyahay galbeedka Waajid halkaas oo in cabaara lagu dagaalamayay.

Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamad Cabdi Tool ayaa isna BBC-da u sheegay in sedex askari oo ka tirsan ciidanka dawladda la dilay isla markaana hubkoodii horey loo sii qaatay.

“Xalay markii ay ahayd lix saac waxaa Waajid ka dhacay dagaal, nimankii nabad diidka ahaa ay soo weerareen dhufeyska dhinaca galbeed ka xiga magaalada, marka sida la ii sheegayo waxa weeye meeshaas illaa sedex askari oo ciidanka dawladda ah ayaa ku geeriyooday. Khasaaraha dhinacooda war uma hayo laakiin inta isoo gaartay intaas waaye” ayuu yiri gudoomiye Tool.

Weerarradii ay Al Shabaab ku qaadi jirtay saldhigyada ayaa yaraaday, balse waxay sii wadaan qaraxyada ay ka gaystaan Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.