Marwada Qaranka oo deeq raashin ah gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool Muqdisho

saynab

Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Seynab Macalin Cabdi ayaa deeq raashin ah oo isugu jirta Bur, Bariis, Sokor, Timir, Saliid, Digir iyo Baasto waxa ay gaarsiisay qoysas danyar ah iyo caruur agoon ah oo ku nool Muqdisho.

Qoysaska oo tiro ahaan gaaraya ilaa 400 oo qoys oo danyar ah ayaa si siman u helay deeqdan ka timid Marwada Qaranka, waxa ayna sheegeen qoysasku in ay deeqdan heleen xilli ay aad ugu baahneeyeen oo lagu jiro bishii barakeysneed ee Ramadaan.

saynab

Sidoo kale xarumaha Agoonta Muqdisho oo ay ka mid yihiin Xarunta Gabdhaha Agoonta ah ee Boondheere, Xarunta Agoonta Wiilasha Kaaraan, Xarunta Agoonta Muqdisho ee Degmada Cabdicasiis iyo Xarunta Agoonta Al-xaramayn ee degmada Xamarweyne oo gacanta ku haya ardey badan oo agoon ah ayaa ka faa’iideystay raashin qeybintan.

Hay’adda Kheyriga ah ee Saynab Macallim Foundation oo maalmihii ugu dambeeyay ku hawlaneyd qeybinta deeqdan cuntada ah ayaa  soo gebogabeysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.