Labo Horjooge oo katirsan Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidamada Dowlada ee gobolka Gedo

Shabab

Labo Horjooge Oo Ka Mid ahaa Maleeshiyada Kooxda Argagixisada Alshabaab oo ku wata laba qori AkA47 ayaa Isu Soo Dhiibay Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Dowlada Soomaliya ee Gobolka Gedo Gaar ahaan Kuwa Ka Howl Gala Degmada Dolow Somaaliya.

Labadaan nin ee ka tirsan Alshabaab ayaa Waxay Kooxda Alshabaab Ka Mid ahaayeen Sida Ay Sheegeen Mudo Afar Sano ah Iyagoona Bishii Mushaar Ahaan U Qaadan Jiray Lacag 30$ Sodon Doolar ah .

Maamulka Degmada Dolow Iyo Saraakiisha Ciidamada Amaanka Iyo ayaa Si Wanaagsan U Soo Dhaweeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.