Shariif Shiiq Axmed oo kulan la qaatay Madaxda Hirshabeele

Shariif

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay waxa ay hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay ku booqdeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ee Sheekh Shariif.

Madaxda maamulka Hirshabeelle iyo Sheekh Shariif ayaa waxa ay wada qaateen kulanka gaar ah oo looga hadlay xaalada amniga dalka iyo horumada ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo arrimo kale.

Inkastoo uusan jirin faah faahin la bixiyay kulankaasi, ayaa haddana ilo wareedyo waxa ay sheegayaan in la isku soo hadal qaaday arrimaha deeganada Hirshabelle iyo dar dargelinta hawlaha ka socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.