Madaxda Hirshabeele oo Safirka Maraykanka waydiistay wax ka duwan Madaxda kale ee Maamul goboleedyada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeebelle Mudane Dr Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u Fadhiya Somaliya Ambassador Yamamota.

Kulankan u dhaxeeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ambasador Yamamota ayaa Waxaa looga Hadlay Xaaladaha Amni ee Deegaanada Hirshabeelle iyo Mida Horumarineed ee Wax Soo Saarka Beeraha iyo Kaluumeysiga.

Dowlada Mareykanka ayaa Mashruucyo lagu hormarinayo Beeraha Gaar ahaan Dalagyada Bariiska Sisinta iyo Looska uga faaideyntoonta Beeraleyda Hirhabeelle Sidoo kalena Mashaariic kaluumeysi iyo Mid Shaqo Abuur u sameyn doonta Dhalinyarada, Kulankaas ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Is Afgarad.

Dhanka Kale Madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland oo safiirka Maraykanka kula kulmay Magaalada Nairobi ayaa waxay u sheegeen inay dowlada Maraykanka Joojiso Dhaqalaha ay siiso Dowlada Soomaliya taas oo uu Safiirka Maraykanka Soomaliya u fadhiya ka diiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.