Baardheere: Ciidamada Nabadsugida Somaaliya ayaa fashilay Qarax

Qarax

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somaaliya NISA gaar ahaan kuwa ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in Miino Al-shabaab ay ku aaseen goobo ku yaalla degmadaas ay ka soo saareen.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Degmada Baardheere Mudane Axmed Garab Gooye ayaa sheegay in Miinada ay soo saareen la doonayay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan Baardheere lagu dhibaateeyo,isla markaana lagu raad joogo ragii dhigay miinada.

“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ee Degmadda Baardheere ayaa miinadan xalay ka soo saaray goob ay ku aaseen Alshabaab iyagoo doonayay in ay dadka shacabka ah ku dhibaateyaan Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida Degmada Baardheere Captain Axmed Garab gooye ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii dhigay miinadan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.