Daawo:Wasiirka Gashaandhiga Talyaaniga oo si diiran Muqdisho loogu soo dhaweeyey

wasiir

Wafdi ka socday Talyaaniga oo uu hoggaaminayey Wasiirka difaaca, Elisabetta Trenta uuna qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga, Gen. Enzo vecciarelli,  iyo xubno kale maanta soo gaaray Muqdisho  ayaa waxa ay kulan la qaateen Wasiirka difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubno kale oo katirsan Dowladda.Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dawladood, iskaashi laga sameeyo dhinaca Ciidamada iyo wada shaqeynta labada Wasaaradood ee difaaca.Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, iyada oo ay dawladda Talyaanigu ay qayb ka tahay dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo hormarinta ciidamada qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.