Daawo:Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha

yariisow

uqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir.

Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-JaJab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan.

Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.