Daawo:Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii Muqdisho ka dhacay

qarax

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo Goordhaweyd uu qarxay Wadada Maka al-mukamara ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Maqaayada Filsan oo u dhaw Hotel Wehliya,waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay ay goobta aheyd mid aad mashquul u ah oo dad badan ay joogeen. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhimashada inta hadda la xaqiijiyay iney tahay 10 Ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.