Taliyaha Indho Qarshe oo la kulmay Safiirka Dowlada Uk u jooga Soomaaliya

indhoqarshe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Uk u jooga gudaha Dalka Soomaaliya Ben Fender.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Danjire Ben Fender ayaa ka wada hadlay xariirka Soomaaliya iyo Britten gaar ahaan dhanka Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay Taariikhda iyo xariirka iskaashi ee ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Britain.

Danjiraha Dowlada UK u jooga gudaha Dalka Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in UK ay Soomaaliya ka taageri doonto Dhismaha iyo Tababarada Ciidamada Xoogga Dalka.

Dowlada Britain  ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera Tababarada Ciidamada qalabka Sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.