Daawo:Wasiir Khadiijo oo dhiiri galin usameysay Ciyaartoyda Xulka qaranka ee Cayaaraha Fudud

Munaasabaadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliyeed ayaa lagu dhiiri galinayey Ciyaartoyda Xulka Qaranka Cayaaraha fudud oo guul taariikhi ah ka soo hooyay tartan cayaaraha fudud oo dalka Djibouti 16-kii bishaan lagu qabtay, waxayna kala soo hooyden laba biladood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumaadda Soomaalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in madaxda dowladda Soomaaliyeed ay ku soo bogaadiyeen Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirka ciyaaraha fudud guusha ciyaartowda Soomaaliyeed ee guusha tartankii cayaaraha fudud ee lagu qabtay dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.