Ciidamadii kasoo duulay Dhusamareb oo looga adkaaday xeraale

xeraale

Warar ugu dambeeya ee hada laga helayo Deg, Xeraale ayaa sheegaya in laga saaray guud ahaan magaalada Maleeshiyaadkii ka yimid gobolka ee duulaanka ku soo galay hamiin barkii xalay Magaalada Xeraale.

Muqlaale oo ah Galbeedka Magaalada ayaa hada la isku hayaa

Waxaa jira qasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, dadka ku sugan gudaha magaalada ayaa soo sheegaya in ay wali maqlayaa dhawaqa rasaasta la is waydaarsanayo

Maleeshiyada soo duushay ayaa xalay duleedka magaalada la sheegay inay ku dileen 2.wiil oo dhalinyaro ah

Qasaaraha guud ee dagaalka saaka iyo xalay ka dhacay gudaha magaalada ayaa lasoo sheegayaa in uu kordhay, waxaana jira goobo ganacsi iyo guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo lagu rasaasta ku burburay

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dagaalka, dadka shacabka ee ku sugan gudaha magaalada ayaa la soo sheegayaa inay ku saseen xabadii ka dul bilaabatay hamiinimadii xalay.

Qaar kamid ah shacabka ayaa isaga baxay Magaalada.

Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.