soo dhaweynta madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho kasocota

Ismaacil

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socoto qaban qaabo xoog leh oo lagu soo dhowaynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa .

Madaxweyn Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inay xarigga jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan Labada Dal.

Boqolaal Dad-weyne oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.