Koox Argagixiso Cadaan ah ayaa weerartay Labo Masjid oo ku yaala dalka New Zealand

masjid

Labo Masaajid oo ku yaalo Dalka New Zealand gaar ahaan magaalada Christchurch ayaa koox argagixiso cadaan oo hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha waxaana la sheegay in ay weerarkaas ku dhinteen dad badan oo ku dukanayay Masaajidadas oo ay Soomaali kamid tahay.

Weerarkaan lagu qaaday labada Masjid ayaa waxaa ku geeriyooday inta hada la xaqiijiyey ugu yaraan 49 Qof 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus .

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern , ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay..

Kooxda weerarka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Saddex Rag ah iyo Haweeneey, kuwaasoo qaarkood ka yimid Waddamo kale kana mid cunsuriyiinta neceb Muslimiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.