Daawo:Madaxda Dowlada Soomaliya oo loogu Baaqay inay Ka tacsiyadeeyaan weerarkiii ka dhacay New Zealnd

Labo Masaajid oo ku yaalo Dalka New Zealand gaar ahaan magaalada Christchurch ayaa koox argagixiso cadaan oo hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha waxaana la sheegay in ay weerarkaas ku dhinteen dad badan oo ku dukanayay Masaajidadas oo ay Soomaali kamid tahay.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu ka tacsi udiray shacabkii Muslimiinta ee lagu laayey labada Masjid ee dalka News Zealand waxuuna ilaahay ubaryey inta dhimatay in ilaahay caafimaad siiyo inta dhaawacana in ilaahay caafimaad dag daga siiyo.

Musharax Deeq Fandhe ayaa waxuu Madaxda Dowlada ugu Baaqay inay ka tacsiyadeeyeen dadka Muslimiinta ah ee lagu laayey dalka New Zealand oo ay kamid yihiin Soomali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.