RJA oo Digniin U dirtay Dadka Axmed madoobe Adeegsado

axmedmadoobe

QIIL IDINMA NOQONEYSO AXMED MADOOBE AYAA I AMREY:

Kuwa inta aay naftoodii, dadkoodii iyo degaanadoodii dulmiyeen ee maamulka dhanka xun u adeegsadey ee maanta nala soo xiriirayee leh khaladka Axmed kiligiibaa leh oo na amrey. Hadalkooda sow uma eka hadalkii mahadha reebka ahaa ee CMC oo dadbani u heysteen nin hal-adag si lama filaan ah u dhahay Tasfaaye ayaa amarka i siinaye.

Axmed sama iyo xuma waxuu lahaaba, waa nin waxuu isagu danmoodey ku hawlgaleye. Kuwase hoosjoogey ee raba in aay si fudud u digarogtaan, eedana nin kaliya ku riixaan, waxaan leenahay waad riyooneysaan. Qofwaliba bulshada dhibtuu u geystey isaga ayaa ka masuul ah.

Waxaase in badan ka liitaa kuwa labawajiilah ah ee isaga u adeegaye, hadda kalsooni kol hore wedkeed galey isbedeldoonka iyo bulshada ka raadineysa. Waxaa kula talinayaa ODEY AXMED weli wuu dagaalamayaa ee ballanka ha uga bixina, meelna kuwada dhinta.

Midnimo, iskutashi iyo guul Jubaland.

yusuf

Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.