Kooxda Argagixisada Shabab oo lagu laayay Howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

shabab

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanadu fuliyeen habeenimadii 11-ka March kana dhacay Deegaanka Daarsalaam ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay Sideed ka tirsan Al-Shabaab.

Goobtu waxeey ahayd mid muhiim u ah Al-Shabaab waxayna ku diyaarinjireen Qaraxyada sidoo kalane waxeey u ahayd il dhaqaale oo ay ku uruursadaan lacagaha Baada ah.

Ciidammada amnigu ayaa wacad ku maray in Al-Shabaab ay ugu tagayaan goobahooda kana qaadayaan tilaabada ku haboon.

Majirto waxyeelo kasoo gaartay shacabka hawlgakaan oo ku dhamaaday sidii loo qorsheeyay.

Waa hawlgalkii Sadexaad muddo toban beri gudahood ah oo Ciidamada Qaranku ka fuliyeen goobaha ay joogaan Argagixisadu, kaas oo muujinaya sida ay ciidamadu u awoodaan in ay ku beegsadaan argagixisada goob kasta oo ay joogaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.