Ra’iisalwasaare Khayre oo lagu soo dhaweeyey Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaara ah maamulka Jubbaland iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu halkaasi ku sugan waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa jubbbaland iyo qaybaha Bulshada.

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.