Gudoomiye Yariisow oo maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray wadatashiga Qorshaha 9aad ee hormarinta Qaranka.

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay Wadatashiga Qorshaha horumarinta Qaranka ee sagaalaad oo lagu qabtay Xarunta D/Hoose ee Muqdisho, si maamulka Gobolka Banaadir ugu darsardo wixii talo iyo tusaale ah.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegaay in maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo qorshaha horumarinta Qaranka, bacdamaa bulshada Caasimaddu ay waligood u taagnaayeen midniada, wadajirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa balan-qaaday ka maamul ahaan in kaalintooda ay ka qaadanayaan sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid taabagal ah, kuna dhisan aragtida iyo baahida bulshada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.