Kenya Xeerka Caalamka ha Xurmayso Daris Wanaagana ha Dhowrto

yusuf

Xaajada BADDA doodi kama furna. Ka hor go’aanka dacwadda hortaal maxkamadda caalamiga ee the Hague, Netherlands. Shekadu ma aha Somaliya sidaan rabno ha noo yeesho oo Baddeeda qayb ha naga siiso. Saaxiib ayaan nahay, qaxooti Somaliyeedbaan haynaa, ciidamadenaa AMISOM ka mid ah dhul laguma bedesho ee waa inaay taa gartaan.
Maalintay muranka Kenya bilowdey ilaa hadda dowladda Soomaaliya mowqifkeedu wuu cadaa, welina wuu cadyahay, ismana bedelidoono. Shacabka Soomaaliyeedna sidaasay aaminsan yihiin. Cidda gebidhaceysaa oo kolba dhan isu qaadaya waa dowladda Kenya ee waa in aay diplomassiyadda iyo darisnimadaba dhowrtaa.
Sidaa darteed Kenya ha sugto go’aanka laga sugayo ICJ, hana xormeyso xeerka caalamka u yaal.
Yuusuf Ducaale, RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.