Daawo:Dowlada Soomaliya oo ka hadashay 9 Ruux oo Muqdisho Lagu dilay

Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidii ka dambeysay dil wadareed shalay duhurkii loo gaystay dad ka shaqeynaayay hawlo nadaafadeed.

Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale & Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya oo arrintaan kulan deg deg ah ka yeeshay ayaa sheegay inuu socdo baaritaan xoog leh oo lagu ogaanayo dambiilayaashii falkaasi gaystay.

Jeneraal C/laahi Xasan Bariise madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Ciidanka Booliska Somaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay socoto baaritaanka la xiriira dhacdada dadkaasi shacabka ah lagu laayay, waxaana uu ku tilmaamay dadka arintaasi gaystay kuwa dhibaatada ku haayo umadda Somaliyed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.