Khayre oo guddoomiyay shirarka tubaha Dhaqaalaha iyo amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay sameynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida.
Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe.
Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Bio metric registration).
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray inEy laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.