Daawo:Shirwaynihii Jaaliyada Galjuba ee London iyo Xildhibaano ka qayb galay

galjuba

Magaalada London ee Casumada Dalka Ingiriiska waxaa kadhacay Shirwaynihii Sanad laha ahaa ee Jaaliyada Galjuba waxaana lagu casumay Xildhibaanao kamida Dowlada Federaalka ah ee iyo maamul goboleedyada.

Shirkaan oo mid heer sarre loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen qaybaha Kala duwan ee Jaaliyada Galjuba ee Lodnon oo ay kamid Ahaayeen Ugaas Farxaan Ugaas Cumar, waxgarad, Haween, dhalinyaro, Siyaasiyiin, aqoonyahano, Culumo iyo Marti Sharaf kale ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Jaaliyada Galjuba ee London oo ay kamid yihiin Horumarinta Caafimaadka, biyaha, Garoomada Diyaaradaha, Nabadeeynta iyo kahortaga abaaraha.

Madaxda Jaaliyada ayaa marka Hore waxay uga Mahad celiyeen Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada sida wanagsan ee ay u aqbaleen inay Jaaliyada GAlJUBa kala soo qayb kalaan shirkaan waxaa ay kusoo bandhiogaysan waxqabeedkeeda.

Xildhibaan CabdulAziz A Yusuf Dhagaqool oo kamida Xildhibaanada Dowlada federaalka ah ee Soomaliya ayaa Jaaliyada uga Mahadceliyey sida Wanagsan ee ay ugu Casumeen asaga xafladaan lagu soo badhigaayey waxqabadka Jaaliyada waxuuna kula dardaarmay inay sii laba jibaaran waxqabadkooda ay wadaan deegaanaka Jubbaloand iyo Galmudug.

Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Tahaliil oo kamida Xildhibanada Galmudug ayaa asaguna uga mahadceliyey Jaaliyada waxqabadkeeda iyo sida ay ugu Casumeen shirkooda, ugu dambayntii Shirka Jaaliyada GalJuba ayaa waxaa uu kusoo dhamadan guul iyadoo lagu balamay in wax laga qabto dayactirka wadooyinka iyo Kaabaha Dhaqaalaha.



galjuaba

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.