Sawiro:Tababar muqdisho looga furay Ciidamo Booliis ah

Siminaarkan ayaa ujeedkiiisu ahaa sidii Ciidanka Boliisku u dhawri lahaa Xuquuqda Bini,aadamka Xiliyada ay ku jiraan waajibaadka Shaqo ee loo xilsaaray.

Siminaarkan ayaa waxaa Casharo ka bixinaaya Xubin ka tirsan Ciidanka Boliiska Dalka Ingiriiska oo aqoon gaara u leh arimaha Xuquuqda Bini,aadamka, waxaana uu socon doonaa mudo laba maalnood ah.
S/Guuto C/llaahi Xasan Bariise Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ayaa waxaa uu sheegay in siminaarka ay wax badan ka faaiidi doonaan ciidamada loo qabanayo
C/llaahi Xasan Bariise Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ayaa tilmaamay in dhawritaanka Xuquuqda bini aadamka ay Ciidanka boliiska ku tahay waajib maadaama ay yihiin Ciidanka kuwo ilaaliya shacabka soomaaliyeed
Mudooyinkaan waxaa Ciidanka booliska soomaaliyeed loo qabanayey siminaaro kor looga qaadayey aqoontooda iyadoo u jeedadu ay tahay in Ciidanka la baro in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ay u adeegaan.
boliis

boliis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.